wararka ugu waaweyn ee suqa kala iibsiga iyo wax walbo oo ka cusub kooxdaada.

Hiiraan Xog, Chelsea oo ku dhaw Higuain:

Chelsea ayaa ku dhaw inay soo gabagabeeyaan saxiixa Higuain kasoo 31-jir kana tirsan kooxda Ac Milan, Wiilka Ay Juventus leedahay asalkiisa ayaa laga yaabaa in lagu bedasho Morata oo amaah ugu biiri doono kooxda Ac Milan(Sun)

Mousa Dembele oo ku wajahan China:

Kooxda Horyaalka Chinese Super League ka ciyaarta ee Beijing Sinobo Guoan Ayaa diyaar u ah inay qasnadaha u jabiyaan soo qaadashada Mousa Dembele oo 31-sano jir ah kana tirsan kooxda Tottonham   (Sky Sports)

Done Deal Nathaniel Clyne oo qaab amaah ah ugu Biiray  Bournemouth:

Rasmi: Nathaniel Clyne Ayaa Qaab Amaah Ah Ugu Biiray Kooxda Bournemouth isagoo ka soo tagay hogaamiyayaasha Horyaalka England ee Liverpool, Daafacaan Ayaa Ka Gudbay Caafimaadka Kooxdiisa Cusub.

Done Deal Solanke oo dhamestiray ku biirista kooxda Bournemouth:

Rasmi: Weeraryahanka Kooxda Solanke Liverpool Oo Ku Biiray Bournemouth, Waxaa Lagula Wareegay Solanke Aduun Lacageed Dhan £19m Oo Bound.

Adrien Rabiot oo la hishiiyay Kooxda Barcelona:

Adrien Rabiot Ayaa Hishiis La Gaaray Kooxda Barcelona Waxa Uuna Ku Soo Biiri Doonaa Xagaaga Dambe, Beeca Xorta Ayuu Ku Imaan Doonaa, Sida Uu Sheegay Fabrizio Romano  .

Denis Suarez oo ku biiray kooxda Arsenal:

Kooxda Kubada Cagta ee Arsenal Ayaa la wareegtay danis suarez

Arnautovic oo imaan doona Chelsea:

Weeraryahanka Kooxda Westham United ee Arnautovic ayay Doonayaan inay markaan soo qaataan kaasoo Bishii May Lala Xiriirinaaye ku biriista kooxda Man United Inkistoo ay ku guuldareesteen qaadashada wiilka Reer Austri, Blues ayaa bixin doonta 50 million oo Bound Si ay u soo helaan Arnautovic Maadaama ay u badan tahay inay Ku Guuldareesteen xidiga Ac Milan Ee Higuan.

Ramsey oo ku dhaw ku biirista kooxda Juventus:

Juventus ayaa aqbashay la soo saxiixashada Ramsey in ay ku guuleesan rabaan iyagoo Mushaaraad waali ah ku harqin doona wiilka reer Wales, waxa uu sanadki mushaar ahaan u heli doonaa aduun lacageed gaaraayo 12 million oo yuuro (Sky Sports)

Tammy Abraham oo ay dooneyso Wolves:

Wolves ayaa diyaar u ah inay £18m ku soo qaataan weeraryahanka Chelsea amaahda kaga maqan ee Tammy Abraham oo 21-sano jir ah, waxa uu haatan ka tirsan yahay Kooxda Aston villa oo Heerka labaad ka ciyaarta   (Sun)

Bayar Munich oo Diyaar u ah inay £30m ku helaan Callum Hudson-Odoi : 

Bayar Munich Ayaa Sare u qaaday qiimaha ay ku doonayaa da’yarka reer England ee Callum Hudson-Odoi oo ka tirsan Chelsea haatan waxa ay ku doonaaya aduun lacageed gaaraya £30m balse ayaa doneysa inay lacagahaas ka badan ka helaan Xidigaan (Sun)





Be the first to comment

Leave a Reply