Qaramada Midoobay oo Ergay cusub u soo magacaabeyso Soomaaliya

Hiiraan Xog

Hiiraan Xog, Xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa sheegay inuu Soomaaliya usoo magacaabayo ergey cusub.

ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobey Farhan Haq ayaa sheegay in tilaabada lagu ceyriyay Haysom ay ka xun yihiin.

Warka kasoo baxay xoghayaha guud ayaa lagu sheegay in wakiilka cusub uu qaban doono shaqadii Haysom laga ceyriyay.

Qoraalka waxaa ku jirtay in xogheyaha guud uu kalsooni ku qabo Haysom, khibradna leeyahay, horayna uu shaqo fiican ugu qabtay UN-ka.

Waxaa qoraalka ku jirtay in shaqaalaha UNka aan loo adeegsan karin “Persona non grata” sida uu qabo heshiiska Viienna 1961-dii.





Be the first to comment

Leave a Reply