Wasiir ka tirsan dowladda Eritrea oo la dhaawacay

Wasiirka Macdinta iyo Tamarta ee dalka Eritrea General Sibhat Efrem ayaa la sheegay in la dhaawacay, iyadoo dhaawiciisa dalka dibaddiisa loo qaaday si loo soo daweeyo.

Dhaawacan ayaa waxaa geystay ruux aan heybtiisa la garan, mana jirto faah faahin laga bixiyay.

Wasiirka ayaa la dhaawacay xilli uu marayay nawaaxiga guri uu ka degenaa magaalada Asmara, ninka weerarka geystay ayaa la sheegay inuu muddo beel ugu gambanayay, waxaana hey’adaha amniga ay sheegeen in gacanta lagu soo dhigay.

Warbaahinta Eritrea ayaa aad uga gaabsatay dhaawaca Wasiirka loo geystay iyo xaaladiisam.

Hase ahaatee Safiirka Eritrea u fadhiya Japan Stefanos Afwerki ayaa cambaareeyay dhaawaca loo geystay Wasiirka, waxaana qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ku sheegay inuu caafimaad degdeg u rajeynayo Sibhaat.

General Sibhaat ayaa waxaa uu muddo 19 sano ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Eritrea, waxaa sanadihi ugu horeeyay ee xornimada Eritrea ka qaadatay Itoobiya uu ahaa Duqa magaalada Asmara iyo Wasiirka Difaaca.

Eritrea ayaa dhowaan laga qaaday cunaqabateyntii Golaha Ammaanka ee saarneyd, kaddib heshiis taariikhi ah oo dhex maray dalka deriska la ah ee Itoobiya oo muddo 20 sano ay colaad u dhaxeysay.

Ciise Cabdi Ciise

Hiiraanxog.net

Ciisecc12@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply