Ciyaaraha Xilliga Qaboobaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Yurub oo lasoo Gaba gabeeyay

Hiiraan Xog, Ciyaaraha xilliga Qaboobaha ah ee Hirda oo sanadkasta ay isugu yimaadaan kooxaha ciyaaraha qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool qaaradda Yurub ayaa lagu soo gabangabeeyey dalka Netherlands, kaas oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Yariiisow iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala ayaa bogaadiyey Ururka soo qabanqaabiyey ciyaarahan oo isdhexgal iyo isbarasho ay ka helaan dhalinyarada qurbaha ku nool.

24-kooxood oo ka kala socday wadamada Yurub ayaa ka qaybgalay tartankan oo loogu talagalay in sare loogu qaado xirfadda ciyaartoyda Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaana sanadkan ku guulaystay koobka koox ka socotay dalka Finland.





Be the first to comment

Leave a Reply