Tartanka Fustalka Beledweyne ee isdhaxgalka Dhalinyarada iyo Booliska oo ay maal galinayeen DRC/DDG ayaa kulnkii labaad la ciyaaray.

Ciyaartii labaad ee Tartanka Fustalka ama Ciyaartoyda Cuslaatay ayaa la ciyaaray waxaana nus drain goolal ah looga adkaaday Howl-wadaag A

Ciyaartan ayaa waxaa ay dhax martay Bundo-weyn A Vs Howl-wadaag A waxaana 7-1 ku adkaatay Kooxda Buundo-Weyn A 

Ciyaarta oo jawi adag ku bilaabay lana filayay in labada kooxba ay isku awood noqdaan ayaa waxaa hal mar is badalay awoodaha labada dhican oo waxaa ay noqotay mid hal dhinac u janjeersatay, ciyaarta awoodeeda ka dib markii goolal is xigxigay ay la timid Kooxda Bundo-weyn A taasoo ka saartay meesha awoodii loog baqayay Howl-wadaag A

Kooxda Howl-wadaag A ayaa waxaa soo Maray Fursado badan oo ay Goolal ku dhalin kareen balse taasi uma surto galin

Si kasaba ciyaarta ayaa waxaa la wareegtay Kooxda Buundo-weyn A oo ilaa 7 gool la timid

Ciyaarta kolkii ay dhamaatay ayaa waxaa ka hadlay labaa kabtan ee labada koox waxaana ay sheegeen in ay aheyd ciyaar Aad u wanaagsaneyn si guul ahna ay ku soo idlaatay Natiijadan ay tahay mid ay ku wada qanacsanyihiin.

Ciyaarta xigta ayaa waxaa wada leh:-

Xaawo-tako A Vs Kooshin B





Be the first to comment

Leave a Reply