Hay’adda DRC/DDG iyo Maamulka Isbortiga Gobolka Hiiraan oo Beledweyne ka furay Tartan isdhaxgal ah oo Kubadda Cagta ah.

Hiiraan Xog, Tartankan oo ah mid loogu talo galay isdhaxgalka Dhalinyarada Xaafadaha Magaalada Beledweyn ayaa loo qabanayaa ilaa 8 kooxood oo ka kala socda 4ta xaafadood ee Degmada Beledweyne waxaana si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Maamulka Isbortiga Gobolka iyo Hay’adda DRC/DDG.

Ciyaarahan oo ah nuuca Fustalka ama Jilib culeyska ayaa socon doono mudo isbuuc ah waana knockout oo kooxdii lag badiyay ay hareyso.

Maamulka Isbortiga Gobolka iyo kan degmada ayaa furitaankii Tartanka ka soo qeyb galay waxaana sidoo kale goob joog ahaa gudoomiyayaasha 4ta Xaafadood  iyadoo qori toor loo sameeyay qalab isborti oo dhameystiran loogu talo galay 8da Kooxood in ay ku ciyaaraan lagu wareejiyay Mamulka Isbortiga.

Xubno ka tirsan Hay’adda DRC?DDG oo ka hadlay furitaanka ayaa sheegay in tartankan loogu talo galay isdhaxgalka Booliska iyo Bulshada gaar ahaan Dhalinyarada waxaana ay cadeeyeen in uu socon doono 7 cisho iyadoona abaal marino ay jiri doonaan

8da Kooxood ayaa kala ah:-

Buundo weyn       A iyo B

Xawo-tako           A iyo B

Howl-wadaag      A iyo B

Kooshin               A iyo B

Ciyaartii furitaanka ayaa waxaa wada ciyaaray Kooxaha Buundweyn B vs Xawo-tako B

Waxayna ciyaartu ku bilaabatay dardar xoogan oo weerar iyo weerar celis ah iyadoona kooxda Bundo weyn B looga naxsaday gool aad u quruxbadan oo si wanagsan looga soo shaqeeyay.

Sikastaba ciyaarta waxaa ay ku soo dhamaatay xiligii loogu talo galay Xaawo-tako B 3-1 Bundoweyn B

Sidaas ayaa waxaa ku soo baxday Kooxda Xawo-talo B

Galabtana waxaa balansan Howl-wadaag A Vs Bundo-weyn A





Be the first to comment

Leave a Reply