Wararkii ugu dambeeyay khilaaf soo dhex galay Xaaf iyo Hoggaanka Ahlusuna

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Hoggaanka sare ee Ururka Ahlusuna.

Sida wararku sheegayaan khilaafkan ayaa salka ku haya doorashada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo horay Xildhibaanada Galmudug qeybtooda fadhiya Dhuusamareeb ay xilka uga qaadeen Maxamed Xaashi Carabey

Khilaafka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu isa soo tarayay, isla markaana xubnaha Ahlusuna ee awoodda ku leh Dhuusamareeb ay wateen Musharax ay doonayaan in loo doorto Madaxweyne 

kuxigeenka Galmudug.

Wararka ayaa intaa ku daraya in khilaafka uu si gaar ugu dhaxeeyo Madaxweyne Xaaf iyo Guddoomiyaha Guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud oo la sheegay inuu doonayo, waxaana la isku khilaafsan yahay musharaxiin la kala wato.

Xildhibaanada Galmudug ee kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa horay midba midka kale waxaa uu ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen, waxaana taasi sababtay in Maamulkaas uu yeesho Labo Madaxweyne, Labo Gole Wasiir, Labo Guddoomiye Baarlamaan.

Khilaafka u dhaxeeya Maamulka Galmudug ayaa weli xal loo heli la’yahay, waxaana horay u guuldareystay dadaalo ay waday Madaxtooyada Soomaaliya oo la doonayay in lagu heshiisiiyo Hoggaanka Maamulkaas oo Madaxweyne Farmaajo ku martiqaaday wada hadal lagu dhex dhexaadinayo.

Ciise Cabdi Ciise

Hiiraanxog.net

Ciisecc12@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply