Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo soo dhoweeyay Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Sudan

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta ku soo dhoweeyay magaalada Jimma ee Ismaamulka Oromada Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Sudan Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Xasan Al-Bashiir

Sida lagu daabacay barta Twitter-ka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Madaxweynayaasha Sudan iyo Jabuuti lagu casuumay daah furka mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Jimma.

Saddexda Mas’uul ayaa yeelan doona kulan saddex geesood ah ah oo looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa 

mudodoyinkii u dambeeyay waday iskaashi iyo is dhex gal uu la sameynayo dalalka Gobolka, waxaana dhowaan shir saddex geesood ah ku dhex maray magaalada Bahar Dar Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed waxaa uu sameeyay is bedelo, sida heshiiska Eritrea uu la gaaray, kaasoo lagu soo afjaray colaadii mudada 20-ka sano u dhaxeysay.

Ciise Cabdi Ciise

Hiiraanxog.net

Ciisecc12@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply