Qaramada Midoobay oo Dagaalka ka socda dalka Yemen waxa uu hor-seeday macluul aad u daran

Hiiraan Xog, Hay’adda cunadda adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanoWFP ayaa sheegtay in xaalada Bini’aadanimo midii ugu xumeyd in ay ka jirto dalka Yemen oo dagaallo sukeeye ay ragaadiyeen.

Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay Yemeniyiinta ilaa haatan ku sugan dalkaasi gudahiisa waxa ayna sheegtay in 22,000 ruux ay halis ugu jiraan in ay macluul ugu geeriyoodaan.

Arbacadii ina soo dhaaftay ayey aheyd markii wadahadalada nabada ee Qaramada Midoobe gar wadeenka ka tahay laga furay Magaalada Cobenhegan ee xarunta u ah dalka Sweden waxaana lagu wadahadalsiinaayey Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen, waxaana rajo fiican laga muujiyay in wadahadaladaasi ay kasoo bixi karaan heshiis waara.

Kol sii horesyay ayay sidaan oo kale Qaramada Midoobe ka deyrisay xaalada bini aadanimo ee ku noolyihiin Yemeniyiinta ku haray dalkaasi.





Be the first to comment

Leave a Reply