kullamada ugu adag horyaalka Premier League oo manta la ciyaarayo

Hiiraan Xog, Waxaa manta la daawan doonaa kullana ugu xiisaha badan toddobaadkan horyaalka Premier League, marka ay is fara saaraan kooxaha Manchester City iyo Chelssea, ciyaar ka dhici doonta garoonka Stamford Bridge.

Blues ayaa kullankii ugu dambeeyay waxa ay qasaaro 2-1 kala kullantay kooxda Wolves, taasoo hoos u dhigtay saadaasha ku aaddan loollanka horyaalka in ay qeyb libaax leh ka qaadan doonaan.

Xiddigaha seegi kara kullankan iyo kuwa la filayo inay soo laabtaan,

Macallin Maurizio Sarri ayaa heysta saf fiyoobi qaba, isla markaasna kooxdiisa taam ayay u tahay.

Balse Cityzens ayaa heli doonin mar kale Sergio Aguero iyo Kevin De Bruyne.

Safafka macquulka ah ee ay kusoo geli karaan labada kooxda

Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Alonso; Kante, Jorginho, Kovacic; Pedro, Giroud, Hazard

Man City: Ederson; Walker, Stones, Laporte, Delph; Bernardo Silva, Fernandinho, David Silva; Sterling, Jesus, Sane

Xaqiiqooyinka kullankan

Chelsea ayaa labba qasaaro kala kullantay kooxda City saddexdii kullan ee ugu dambeysay Premier League-ga garoonkeeda kula ciyaartay, waxaana ay la egtahay labbadii guuldarro ee ay garoonkeeda ku qaadatay 18-kii kullan ee ka horreeyay sadddexdan.

Man City ayaanan weli laba guul oo xiriir ah ku gaarin garoonka Stamford Bridge ciyaarta horyaalka Ingiriiska tan iyo January 1995.

Xilli kullankani uu noqonayo kii 161-aad ee ay wada ciyaaraan, misena Manchester City weli ma aysan garaacin Chelsea afar jeer oo xiriir ah.

Kooxda hooggaanka Premier League-ga heysa weli ma aysan garaacin Chelsea oo ay kula ciyaareyso Stamford Bridge tan iyo Manchester United oo 3-0 kaga adkaatay 2002, 11-kii ka dambeysayna waxa ay guuleysteen shan jeer halka lix jeerna ay bareejo la galeen kooxaha hooggaanka haya ee ay gurigooda kula ciyaarayaan.

Kullankani waxa uu noqonayaa midkii shanaad oo ay Chelsea wajahayso City oo horyaalka hooggaamineysa, labadii hore ayay ka adkaatay, halka labadii dambe laga adkaaday.

Man City waxa ay guuldarro la’aan tahay 14 kullan oo Premier League ah iyadoo bannaanka ku ciyaareysa, welina ma aysan dhicin in 15 kullan guuldarro la’aan ahaadaan iyagoo bannaanka kusoo ciyaarayo.

Macallin Maurizio Sarri marnaba dhinaciisa dhulka lama dhigin laba kullan  oo isku xigta horyaalka inta uu macallin yahay tan iyo October 2016, xilligaas oo Atalanta iyo AS Roma Serie A ku garaaceen.





Be the first to comment

Leave a Reply