Mareykanka oo ka hadlay howlgalkii Awdheegle ee ay ku wehliyeen Kumaandooska Soomaaliya

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa war ka soo saaray howlgalkii ugu dambeeyay ee habeen hore ka dhacay deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ay si wadajir u fuliyeen Ciidamo Mareykan ah iyo Kumaandooska Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn cirka iyo weerar dhulka oo isla socday ay ku dileen illaa 4 dagaalame, kaddib markii ay weerareen labo xarumood oo Al-Shabaab lahayeen.

Howlgalka ayaa lagu burburiyay in waxyaabo qarxa iyo gawaari Al-Shabaab ku diyaariyeen, iyadoo la sheegay in aanay dad shacab ah waxba ka soo gaarin weerarkaas.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoo sanadkan kaliya illaa 38 weerar oo cirka ah ka fuliyay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ciise Cabdi Ciise

Hiiraanxog.net

Ciisecc12@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply