Itoobiya: Qoxooti reer Suuriya oo waddooyinka Addis Ababa ku dawarsada

Hiiraan Xog, Waddooyinka magaalada Addis Ababa in lagu arko dad dawarsanaya waa mid iska caadi ah balse waxaa ku cusub oo aan horay looga baran in qoxooti Suuriyaan ah lagu arko.

Dadka carabta oo aan looga baranin iney dawarsadaan oo waddooyinka magaalada Addis Ababa ku soo badanaya ayaa waxay noqotay mid ay shacabka magaaladu si weyn u hadal hayaan.

Qarniga aynu joogno masiibadi iyo dilki ugu badnaa oo waddan ka dhaca waxay soo martay dalka Suuriya oo ay dagaallo sokeeye ragaadiyeen. Waa dalka keli ah ee ay ka barakaceen kala bar dadki waddankaasi ku noolaa.

Itoobiya maxay ku doorteen?

Dalka Itoobiya oo marti geliyey boqollaal kun oo qoxooti ah oo ka kala socda waddamada Soomaaliya, Eritrea iyo South Suudaan waxay dadka qoxootiga ah ku sugan yihiin magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Qoxootiga reer Suuriyana waxay ka mid noqdeen qoxootiga Itoobiya soo gaaray oo duruufo dalkooda uga soo cararay.

Qaar ka mid ah qoxootiga reer Suuriya oo soo gaaray Addis Ababa ayaa BBC uga warramaya sida ay ku yimaaddeen Itoobiya iyo waxa ay ku doorteen.

Anas Maxammed oo ka mid ah qoxootiga reer Suuriya ee waddooyinka Addis Ababa ka dawarsada wuxuu sitaa qoraal afka waddankaasi ku qoran oo uu tuugsiga u adeegsado.

Qoraalka uu micnihiisu yahay “waxaynu nahay walaaldiin ka soo qaxay dalka Suuriya dhibaata weyn ayaa na haystaa wixi aad awooddaan Ilaahey dartii nooga caawiya” maadaamaa ay afka waddankaasi looga hadlo garaneyn.

Anas wuxuu Itoobiya yimid bil ka hor isaga iyo qoyskiisaba waxay ka dawarsadaan waddooyinka Addis Ababa. Af Carabi mooyee afkale ma garanayo.

Wuxuuna BBC u sheegay “iney dantu ku kalliftay dawarsigi ugu foosha xumaa inuu ku dhaqaaqo maadaamaa uu haysanin wax uu kaga maarmo, carruur iyo xaasna ay sugayaan waxbana uu u awoodin aan ka ahayn wuxuu dawarsi ku helo inuu u geeyo”

“Goobaha ay dadku isugu yimaaddaan, masaajidda iyo goobaha basaska laga rakaabiyo ayaan ka dawarsannaa ilaahey ayaan gargaar ka sugeynaa” ayuu yiri.

Dowladda Itoobiyana waxay sheegtay iney dad badan oo qoxooti reer Suuriya ah ay qoxooti ahaan iisu diiwaan geliyeen oo ay dowladduna dhawaan qaabili doonto.

Caasha Maxamed waa gabar u dhalatay dalka Itoobiya oo si tabarruc ah dadka qoxootiga ah caawimaad dadka kale u weydiiso waxayna sheegtay “dadku iney yihiin dad masaakiin ah oo aad u dhibban inta awooddanada ah waan ku caawinnaa dadka kalana caawimo ayaan uga soo qaadnaa sida dharka, cuntada, huga ayaan ku caawinnaa carruur yaryar ayayna wataan runti waa wax aad looga naxo.”

Biniyaam Taamiruu oo ah wiil dhalinyara oo Addis Ababa ku nool ayaa wuxuu isaguna sheegayaa “hooyooyin carruur yaryar wato oo waddooyinka ka dawarsanayo markuu arko inuu aad uga naxo wixi uu heli karo 10 Birr ama 20 Birr uu maalin walba ku caawiyo.”

Anas wuxuu leeyahay “sidan maanan ahaan jirin balse ilaahey ayaa noo qaddaray inaan sidan aan maanta nahay ahaanno naxariista ilaaheyn ka quusan meyno”.

 





Be the first to comment

Leave a Reply