Itoobiya oo saddex sano gudahood ku dhoofineysa shidaal laga helay Deegaanka Soomaalida

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay bilaabaneyso dhoofinta shidaal laga deegaanka Soomaalida, taasoo noqoneysa markii u horeysay.

Wasaaradda Macdanta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ah ee Itoobiya ayaa sheegtay in soo saarista shidaalka laga helay deegaanka Soomaalida lagu soo gabagabeyn doono muddo saddex sano ah.

Qasala Tadese oo ah Agaasinka Waaxda Maamulka Shatiyada Shidaalka ayaa sheegtay in la qodayo boqolaal ceelal oo kale, isla markaana la fulinayo mashaariic waa weyn oo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in marxalado dhowr ah ay ka horeeyaan inta aan la soo saarin shidaalka.

Ceelasha shidaalka ee la daahfuray ayaa waxa ay ku yaallaan deegaannada Kaali iyo Ilaalo oo ka tirsan deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya.

Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Poly-CGL ayaa shidaalka ay ka heshay goobahaas lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Ciise Cabdi Ciise

Hiiraanxog.net

Ciisecc12@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply