Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Kismaayo u tagaya xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo.

Socdaalka Guddoomiye Cabdi Xaashi ee Kismaayo ayaa salka ku heysa sii wadida dadaaladii Aqalka Sare ugu jiray xal u helida khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa Wariyeyaasha u sheegay inuu Kismaayo u tagayo howshii uu soo waday Aqalka Sare ee ku aadanaa xalinta khilaafka ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Waxaa uu sheegay in heer gabogabo ah mareyso howshii uu soo waday Aqalka Sare, isla markaana ay rajeynayaan inta dhiman inay ku guuleystaan.

Aqalka Sare ayaa dhowaan qodobo ka soo saaray khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ay soo bandhigeen qodobo ay tabanayaan Maamul goboleedyada.

Ciise Cabdi Ciise

Hiiraanxog.net

Ciisecc12@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply