Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay xiliga la bixinayo shatiga shidaal barista

Hiiraan Xog, Kadib horumar ballaaran oo ay dowladda Soomaaliya ka sameysay qorshaha qaab dhismeedka iyo sharciyada soo saarista  shidaalka Soomaaliya wasiirka batroolka iyo macdanta ayaa markii ugu horeysay ku dhowaaqay daahfurka shati bixinta shidaal baarista Soomaaliya.

7-da bisha Febraayo ee sanadka soo socda ayaa loo qorsheeyay in ay London ka dhacdo xafladda daahfurka shati bixinta shidaal baarista Soomaaliya halkaa oo uu wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka xukuumadda federaalka Soomaaliya uu xarigga ka jari doono qeybtii ugu danbeysay oo la filayo in ay ka koobanaato 50 baloog oo baaxad ahaan la’eg 173,000 oo kiilo mitir laba jibbaaran.

Inta ay socota xafladda  xarig jarista ayaa lagu wadaa in  daaha lagaga rogo shuruucda iyo xeerarka shidaalka, awoodda suuqyada gudaha, shuruudaha maaliyadda iyo shuruuc  kale.

Dhacdadan ayaa la filayaa in sidoo kale lagu soo bandhigo casharro ku saabsan jiyoolajiga oo laga diyaariyay baloogyada furan waxaana la qorsheeyay in uu barnaamijka soo xirmo 11-ka bisha  Luuliyo ee sanadka soo socda.

Waxaa la qorsheynayaa in barnaamijyada loo sameeyo olole lagu xayeysiinayo kuwaa oo ka dhici doono magaalooyinka Hiyuustan iyo Dubai.





Be the first to comment

Leave a Reply