AKHRISO:- Maxaa looga hadlay Shirkii ka socday dalka Itoobiya

Hiiraan Xog, Abi Axmed wuxuu wadaa qorshe lagu dhisayo waxa loo yaqaan ( Regional Integration) Isdhexgal Goboleed. Qorshahan waa qorshe fog wuxuuna marayaa heerar kala duwan, marka hore waxaa la dhameynayaa khilaafka, colaadaha iyo kala shakiga ka jira wadamada Itoobiya, Eretareeya, Soomaaliya iyo Jabuuti kadib waxaa la dhisayaa gole ka shaqeeya dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada sidii lagu heshiiyey shirkii ka dhacay September 2018 magaalada Asmara.

Ra’iisul Wasaare Abi Axmed oo qorshahan hogaaminayo ayaa wuxuu rajeynayaa in mustaqbalka dhow dowladaha geeska Afrika yeeshaan lacag mid ah, ganacsi mid ah oo leh xuduuddo furan iyo sirdoon mid ah.

Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahlework Zewde oo ku sugan magaalada Johannesburg halkaas oo ay kaga qaybgaleyso kulanka Africa Investment Forum (AIF) ayaa kulankaas ka sheegtey in Itoobiya u dhaqaaqdey in ay dhisto Isdhexgal Goboleed ( Regional Integration) waxeyna kulankaa ka tiri: ” Ma filayo in wadan meel fog gaari karo haddii uu isku koobo xuduudahiisa keliya “waxeyna raacisey ” Xaqiiqdii waxa Itoobiya isku dayeysaa in ay hesho Isdhexgal Goboleed si mustaqbalka u noqdo isdhexgalkaasi mid qaarradeed”

Shirka uu u aaday dalka Itoobiya madaxweyne Formaajo mashruucan ayuu ku saabsan yahay hirgelintiisa ( Regional Integration).
Waxeyse kulamadan dhacayaan xilli dowlada Itoobiya dhaqaalle ahaan, siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan ay dhisan tahay halka dalka Soomaaliya ay ka jirto xasilooni dari siyaasadeed, amni xumo iyo khilaaf. Jiir, libaax la xaajoonaya ayey u muuqataa.

Dowlada Eretareya ha ahaato dal sabool ah laakiin waa wadan xuduudihiisa ilaalshan kara, siyaasada arrimaha gudahana hal gacan ku urruursan tahay.

Waxaan isweydiiyaa madaxweyne Farmaajo sidee madax dalalka deriska nala ah iyo kuwo caalamka fog ula xaajoodaa una hor fariistaa, go’aano masiiri ah u gaari karaa, asaga oo og in wasiiradiisa iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka tagi karin Kismaayo, Dhuusomareeb iyo Garoowe. Soo ma haboonnayn in marka hore afgarto madaxda maamul goboleedyadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee ku kacsan kadib asaga oo xaliyey khilaafaadka siyaasadeed ee dalka gudahiisa kaga furan in uu ka qayb galo shirarka heer dowladaha gobolka iyo caalamka kale uu la yeelanayo?, asaga oo matalaad buuxda ka heysta madaxda kale ee Soomaaliyeed ee gobolada dalka ka taliya oo ay talo wadaaga yihiin, si madaxda dowladaha uu la kulmayo ugu helo ixtiraam iyo qiimeyn.

Madaxweyne xuduudaha dalkiisa ay furan yihiin, khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo madaxdii dowlad goboleedyada, dalkuna federaal yahay, amniga caasimada uu ku nool yahay aysan sugnayn sababta keliya ee dowladaha deriska iyo kuwa fog ugu yeeranayaan waxa ay noqon kartaa in warqado laga saxiixdo si qorshahooda fog u gaaraan.

Itoobiya, Eratareeya iyo Soomaaliya waxey heystaan fursad qaali ah oo ay ku dhisan karaan iskaashi dhaqaale iyo amni laakiin mar ka hore waa in Soomaalidu helaan dowlad mideysan oo khilaaf iyo is jiid jiid ka jirin dhexdeeda. Dastuurka qabyadaha ahna la dhameystiro, maxaa yeeley Dastuurku waa heshiis bulsho oo sharci ah, dowlad aan lahayn Dastuur dhameystiran waaba ku qalad in ay gasho heshiisyo caalami ah.

W/Q: Ilyaas Maxamuud Xuseen

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply