Dulimaadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u bilaawday

Hiiraan Xog, Shirkadda Itoobiya Airline ayaa maanta markii ugu horeysay 41 sano kadib ka degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xiliga ay soo dageysay diyaaradaha Itoobiya si ay xarigga uga jaraan duulimaadka cusub.

Munaasabad lagu soo dhaweynayo imaashaha diyaaradaha Itoobiya ayaa lagu qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa goob joog ka ah munaasabadda.

Diyaarada Itoobiya Airline ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ka dajisay dad rakaab ah oo ay ka soo qaadday magaalada Addis Ababa.

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiligan ka dega diyaarado calaami ah oo ay ka mid tahay Turkish Airline.





Be the first to comment

Leave a Reply