Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, 20 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxyadii Galabta ka dhacay Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale Goobaha Caafimaadka la geeyay tiro intaasi ka badan oo qaarkood ay qaba dhaawacyo Culus,halka kuwo kalena ay qabaan dhaawacyo Fudud.

Dadka ugu badan ee ay waxyeelado soo gaartay waa dad Shacab ah oo oo Mareeyay wadada ay qaraxyado ka dhaceen.

Qaraxa  koowaad ayaa lagu  ku dhuftay Hotel Saxafi oo hore loo weeraray.

Qarax kale ayaa isna ka dhacay inta u dhaxaysa Hotel Saxafi iyo xarunta CID oo hoteelka ka soo hor jeedda.

Hotel Saxafi dhabarkiisa waddo yar oo marta ayuu ka dhacay Qaraxa Saddexaad.

Qaraxyadda ka dib rag hubeysan oo tiradooda lagu qiyaasay 4 ruux ayaa isku dayay in ay galaan Hoteelka Saxafi, Waxaana toogtay Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen Qaraxyadii Maanta ka dhacay Iridda Hore ee Hoteel Saxafi.

Cabdirisaq Bahlaawi oo ahaa  Agaasimihi hore ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo xilligii uu qaraxa ka dhacayay ku sugnaa meel aan Hotelka ka fogeen ayaa ka mid ah dadka dhaawacyadooda la gaarsiiyay Isbitaallada Muqdisho.

Cabdifitaax Cabdirashiid Shire Il-qeyte oo Aabihii 3 Sano ka hor Bishaan oo kale lagu dilay Hoteelka Saxafi ka dib markii weerar lagu qaaday ayaa ka mid ah dadkii Maanta ku dhintay Qaraxyadii  ka dhacay Muqdisho.

Wariye Aadan Xaaji Cabdulle Aadan Sooyaal oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka gaar Wakaaladda Wararka SONNA ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii lagu weeraray Hotel Saxafi.

Dad Shacab ah oo saarnaa gaari Caasi ah oo gaarayay tobaneeyo ruux ayaa sidoo kale la  xaqiijyay in ay ku dhinteen Qaraxa ka dib markii gaarigii ay saarnaayeen uu haleelay Qaraxa Koowaad.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarkii Isgoyska Km4 gaar ahaan hotelka Saxafi  ee Magaaladda Muqdisho,Isagoo tacsi u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlayay Magacayga iyo kan madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan cambaareynayaa falkii argagisinimo ee galabta dhacay,dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah allaha ha siiyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.





Be the first to comment

Leave a Reply