Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Hiiraan Xog, Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa intii uu kulan kooda socday iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee dowladda.

Kulanka labada mas’uul ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay uu jahwareer siyaasadeed ka jiray doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, dhinaca kalana maalintii shalay Shariif Xassan Sheekh Aadan uu ku dhawaaqay is casilaadiisa.





Be the first to comment

Leave a Reply