Xisbiga talada haya ee Equatorial Gunea oo 42 xubnood xisbiga ka ceyriyay

Hiiraan Xog, Xisbiga dimoqraadiga ah ee dalka Equatorial Guinea ayaa xubinnimadii iyo hoggaankii xisbiga ka xayuubiyay 42 xubnood oo ay ku jiraan rug caddayaal siyaasadeed kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen isku day af gambi oo lala damacsanaa in xilka looga tuuro maadaweyne Teodoro Obiang Nguema bishii December ee sanadkii hore.

Saraakiisha laga xayuubiyay xubinnamadii xisbiga ayaa waxaa ka mid ah safiirkii hore ee Equatorial Guinea u fadhin jiray dalka Chad, agaasimihii hore ee laanta ammaanka iyo wiil uu dhalay wasiirka arrimaha gudaha.

Equatorial Guinea ayaa billowgii sanadkan sheegatay inay ku guuleysatay fashilinta afgambi loo soo maleegay dowladda dalkaas, 30 nin oo si aad ah u hubeysan ayaana arrinkaa loogu xir xiray gudaha dalka Cameroon, dowladda Equatorial Guinea ayaana sheegtay in raggan ay wateen dhalashooyinka dalalka Chad, Sudan iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow xukuumadda Malabo ayaa tilmaamaya in eedeysanayaasha la hor keeni doono maxkamad bisha February ee sanadka ina soo aaddan iyada oo dhanka kalena ay socdaan wadahadallo iyo waan waan ay dowladda Equatorial Guinea ku dooneyso in eedeysanayaasha ku sugan Cameroon iyada loo soo gacan galiyo.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply