Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xilka ku wareejiyay gudoomiyaha Baarlamaanka

Hiiraan Xog, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa si rasmi ah isku casilay,waxaana uu xulka ku wareejiyay gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Ugaas  ayaa sheegay in sababta uu isku casilay uguna tanaasulay musharaxnimada ay tahay danta bulshada deegaannada Koonfur Galbeed.

Warqadda iscasilaadda ayuu ku sheegay Shariif Xassan inuu xilka madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed uu si ku meel gaar ah u sii heyn doona guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goobjoog ka ahaa goobta uu isku casilay madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa sidoo kale  iscasilay Afhayeenkii Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ka jira Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ahaa wasiirka dastuurka ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Is casilaada Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ahaana wasiirka dastuurka Koonfur Galbeed iyo iscasilaadda madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa labada ku soo aadaya kadib markii wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Sabriye ay galabta gaareen magaalada Baydhabo.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply