AKHRISO:- Tariikhda Ilhaan Cumar ee Congresswoman ee dalka Mareykanka

Hiiraan Xog, Ilhaan Nuur Cumar waxa ay ku dhalatay Magaalada Muqdisho 4 October 1981 waxa ayna reerkeeda u guureyn Magaalada Baydhabo ka dib markii Ilhaan reerka kusoo biirtay, waxa ay aheyd gabadhii u yareed  todobo caruur ah oo walaalaheyd ah.

Aabaheyd Nuur Cumar  waxa uu ahaa tababare Macalinimo ( Teacher Trainer) halka hooyadeedna ay geeriyootay Ilhaan oo caruur aheyd sidaasi darteed waxaa soo koriyay Aabaheyd iyo Ayeeyadeed.

Kadib markii uu bilaawday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya 1991 waxa ay qoyska Ilhaan Cumar u qaxeyn dalka Kenya halkaasi oo ay qaxooti ku ahaayeen  muddo afar sanno ah, waxa ayna afartaas sanno kadib dib u dejin ka heleyn dalka Mareykanka oo ay iminka guullo waaweyn oo dhanka siyaasada ah ka gaartay.

Dabayaaqadii sanadkii 1995 ayey Ilhaan iyo qoyskeedu nasiib u yeesheen in ay kamid noqdaan tirro qoysas qaaxooti ahaa oo Gobolka Virgina ee dalka Mareykanka dib u dejin loogu sameeyay halkaasi oo ay isaga guureyn wax uun yar kadib, iyagoo u guuray Magaalada Minneapolis halkaasi oo ay ka bilaawday barashada luqada Englisk-ka waxaana la sheegay in muddo yar oo saddax bil ka yar ay ku baratay luqada maadama ay aheyd qof aad u da’yar oo 12 sanno jir aheyd sidaasina ay ugu suurta gashay in luqada si sahlan ay u barato.

Kadib  markii ay luqada  baratay ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku biirtay iskuulka sare ee Edison High School, waxaana macalimiinta iyo ardayda ay waxbarasho wadaaga ahaayeen ku sheegeen in ay aheyd qof aad u firfircoon kuna fiicned is dhex galka bulshada.

Markii ay ka qalin jabisay iskuulka sare ayey Ilhaan Cumar Nuur durbadiiba ku biirtay Jaamacadda North Dakota State University waxa ayna ka baratay Kuliyada Cilmiga siyaasada iyadoo ka qalin badalatay sanadkii 2011.

Ilhaan waxaa la iska qiyaasi karay ama lasii saadaalin karay in siyaasada ay heer ka gaari doonto maadama ay aheyd qof aad u daneeyo arrimaha siyaasada  waxaana la sheegayaa in arrimaha siyaasada gaar ahaan siyaasada arrimaha dibada ay kasii kororsatay iskuulka takhasuusiga siyaasada ee Humphrey School of Public Affairs.

Shaqadii ugu horeysay oo ay Ilhan Cumar qabato ayaa lagu sheegay in ay aheyd  Macalimad Jaamacada Minnasota ka dhigta arrimaha bulshada iyo hormarinta  shaqadeeda xigtay ayaa aheyd in ay maamule ka noqotay ololihii doorashada 2012 ee Senator Kari Dziedzic, waxaana ay halkaasi kaga soo biirtay arrimaha siyaasada oo ay aad ugu dhuun duleeshay.

Sanadkii  2016 waxaa u suurta gashay in ay kusoo biirto Baarlamaanka dalkaasi Mareykanka taasi oo guul weyn u aheyd dad badana la noqotay filan waa ka dib markii 9’kii bishii Agusto la shaaciyay in Ilhaan Cumar ay ka guuleysatay Maxamed Nuur iyo Phyllis Kahn oo kula tartamaayey doorashada aas aasiga ah ee Magaalada Minneapolis.

Waxaana isla sanadkaasi bishii November oo dhaariyay  goloaha sharci dejinta dalkaasi iyadoo noqotay qofkii ugu horeeyay oo dumar ah misane Muslim ah ee ka mid noqda Golohaasi.

5’ta bishii June ee sanadkaan ayey Ilhan iska diiwaan galisay musharixiinta u tartamaya Kurisga Congresska  degmada shanaad ee Minnesota, dad badan oo ka faalooda siyaasada dalkaasi Mareykanka ayaa u arkay in Ilhaan ay is daalineyso oo aysan waxba ka keeni doonin doorashadaasi balse waxay amakaag iyo lama filaan ku noqotay markii si aqlabiyad leh ay ugu soo baxday doorashada kursigaasi Congresska oo saakay natiijadeeda la shaaciyay waxa ayna ku guuleysatay 78.2%.

Wargeyska Times Magazine ayaa cinwaan kaga dhigay warbixin uu dhawaan soo daabacay Ilhan Cumar waa xidig u kacday xaquuqa haweenka Islaamka ah ee dalkaasi.

W/D: Ayuub Maxamed Axmed (Wardheere).

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply