Wafdi ka socda magaalada Wajeer ee dalka Kenya ayaa gaaray magaalada Kismaayo

Hiiraan Xog, Wafdi matalaya Xildhibaannada golaha deegaanka ee Kawntiga Wajeer ee deriska la ah Soomaaliya ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Kismayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamul goboleed Jubbaland.

Wafdigan ka socota ismaamulka Wajeer iyo maamulka Jubbaland ayaa la filayaa in uu Kismaayo uga furmo kulan socon doona dhowr maalmood.

Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish  oo garoonka magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyey wafdiga ayaa sheegay in wafdiga ay kala hadli doonaan arrimaha ammaanka xuduudaha iyo isu-socodka ganacsiga labada gobol.

Wafdigan ayaa sidoo kale la kulmi doona madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyagoo sidoo kale madaxweynaha kala hadli doona arrimaha xuduudaha, Ammaanka iyo isu furka Ganacsiga.

Dabayaaqadii bishii Sebteember ayey aheyd markii ay Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamul Goboleedka Jubbaland soo gaareen wufuud ka kala socotay wasaaradaha caafimaadka ee gobollada Kenya ee xuduudka la wadaaga Soomaaliya.

Wufuuddaa ayaa magaalada Kismaayo kaga qayb gelay shir looga arrinsanayay horumarinta caafimaadka iyo kahor tagga cudurrada faafa, gaar ahaan cudurka dabaysha.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply