Sheekh Mukhtar Roobow oo la gudoonsiiyay Shahadada musharxnimo ee Koonfur Galbeed

Hiiraan Xog, Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa noqday musharixii ugu horeeyay ee uu aqbalay diiwaan geliyayna guddiga doorashooyinka maamulka koonfur Galbeed isaga oo ka qeyb geli doona doorashada bishan 17-keeda ka dhici doonto Baydhabo.

Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed ayaa u ogolaaday Mukhtaar Rooboow in uu ka mid noqdo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda Maamulka Koonfur Galbeed, Iyadoo Dhowaan Dowladda Federaalka ay horay u sheegtay in Roobow uusan wali saaran yihiin Xayiraadii la saaray xilligii uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Maansuur, ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu noqdo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, waxaa si weyn uga socda Olalaha Doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed, Iyadoona Musharaxiin dhowr ah ay ku Sugan yihiin halkaas.

17-ka bishan Nofeember ayaa loo ballansan yahay in ay Baydhabo ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed.





Be the first to comment

Leave a Reply