SAWIRO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Finland

Hiiraan Xog, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Finland u soo dirsatay Soomaaliya Erik Lundberg.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya Siciid Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in madaxweynaha iyo danjiraha ay ka wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa iskaashiga iyo xiirirka ka dhexeeya labada dalka.

“Dalka Finland waxaan la wadaagnaa xiiir saaxiibtinimo oo ku suntan wakhtigii Soomaaliya ay xurriyadda qaadatay, maadaama ay ka mid ahaayeen dalalkii ugu horreeyey ee ictiraafa madaxbannaanideena. Sidoo kale waxa ay na garab taagnaayeen wakhtiyadii burburka iyagoo gacan ka gaysta ilaa haatan arrimaha caafimaadka, waxbrashada iyo gargaarka xaaladaha bini’aadantinimo.” Ayuu yiri xoghayuhu.

Safiirka dowladda Finland u fadhin doona Soomaaliya, Erik Lundberg ayaa uga mahadceliyey madaxweyanaha Soomaaliya sida wanaagsan ee uu uga guddoomay warqadahiisa aqoonsiga ee safiirnimo.

Danjiraha ayaa sheegay in dalkiisa ay muhiim u tahay joogtaynta xiriirka labada dal iyo inuu noqdo mid ku saleeysan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab ee Finland iyo Soomaaliya.

 





Be the first to comment

Leave a Reply