Kooxo Burcad badeed ah oo lagu dilay biyaha Bada Soomaaliya

Hiiraan Xog

Hiiraan Xog, Maraakiibta ilaalada Badda ee Midowga Yurub ayaa Doon ay wateen kooxaha burcad badeeda ku qarxiyay xeebaha dalka Soomaaliya sida ay warbaahinta u sheegeen.

Kooxda burcad badeeda ayaa isku dayayday inay afduubtaan Markab xamuul ah oo sitay calanka Hong Kong.

Ciidamada Midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen inay burburiyeen Doonta, si ay uga hortagaan weeraro horleh.

Burcad badeeda ayaa rasaas ku furay Markab marayay badweynta Hindiya horaantii bishan, weerarkaasina wuxuu noqday mid aan guuleysan.

10-kii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa hoos u dhacay tirada Maraakiibta ee burcad badeeda ay ka afduubtaan xeebaha dalka Soomaaliya.

Waa weerarkii Labaad oo sanadkan ka dhaca xeebaha dalka oo ay Buracadda badaha ku qaadaan Maraakiib islamarkaana guul darreysta.





Be the first to comment

Leave a Reply