Milkilihii Kooxda Leicester City oo shiil diyaarad ku dhintay

Hiiraan Xog, Milkiilihii kooxda Leicester City ayaa ku dhintay shil diyaradeed oo ka dhacay banaanka garoonka kubadda cagta kadib markii ay burburtay diyaarad qumaatiga u kacda oo ay saarnayeen.

Mulkiilihii kooxda Leicester Vichai Srivaddhanaprabha, Labo ka mid ah shaqaalihiisa oo kala ah Nursara Suknamai iyo Kaveporn Punpare ayaa ku dhintay shilkan.

Sidoo kale waxaa shilkan ku dhintay duuliye Eric Swaffer Iyo Izabela Roza Lechowicz oo wehelisay, sida booliska ay sheegeen.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in diyaaradda ay lumisay korontada wax yar kadib markii garoonka ay weydaratay kadibna uu dab qabsaday.

Vichai Srivaddhanaprabha ayaa ahaa Aabe dhalay afar carruur ah waana maal qabeen bilyaneer ahaa isla markaana ahaa aasaasihii shirkadda King Power International.

Wargeyska Forbes Magazine ayaa Vichai ku tilmaamay inuu kalinta shanaad ka galayo liiska maalqabeennada dalka Thailand.

Vichai Srivaddhanaprabha ayaa sannadkiii 2010-kii Kooxda Leicester City ku iibsaday 39 milyan oo gini iyadoo Inta uu Vichai Kooxda Leicester City iibsaday ay hanatay koobka Premier League dalka Ingiriiska sanadkii 2016-ka.





Be the first to comment

Leave a Reply