Kooxaha Juventus iyo Napoli oo wada Doonaya ciyaaryahan James Rodriguez

Hiiraan Xog, Kooxaha Juventus iyo Napoli ayaa soo bandhigay xiisaha ay u qabaan laacibka kooxda kubadda cagta ee Bayern Munich James Rodriguez.

Sida ay daabacday majalada reer talyaani ee TuttoSport labadan kooxood ayaa diyaar u ah in ay ku dagaalamaan adeega laacibkan marka lagaaro suuqa jiilaalka.

Macalinka hogaamiya kooxda Napoli Carlo Ancelotti ayaa taageero weyn u ah xiddigan waxaana uu doonayaa inuu keeno garoonka San paulo.

Dhanka kale kooxda Juventus ayaa xiriir wanaagsan la leh wakiilka ciyaaryahan James Rodriguez ninka lagu magacaabo Jorge Mendes.

Laacibkan reer Colombia ayaa goorhore usoo ciyaaray kooxaha Porto ,As Monaco iyo Real Madrid waxaana uu doonayaa inuu kooxdiisa ka dhaqaaqo marka uu dhamaado fasal ciyaareedkan.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply