Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku wajahan degaanka deynuunay

Hiiraan Xog, Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgallo ka wada deegaanka Deynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dadka deegaanka Deynuunay ayaa ku soo waramaya in ciidamadan ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka kadib markii galinkii dambe ee shalay ay soo gareen deegaankaas.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay inay ka cabsi qaban in deegaanka uu ka dhaco dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Al shabaab maadaam dagaalyahannada Al shabaab ay ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn deegaanka.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ilaa hadda wax faah faahin ah kama bixin howlgaladan ka socda deegaanka Deynuunay.

Deegaanka Deynuunay ee gobolka Bay ayaa waxaa dhowr mar ka dhacay dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al shabaab, kuwaasoo geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply