Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya oo Axmad Shidde usoo magacaabay Wasiirka Maaliyadda

Hiiraan Xog, Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Axmad Shidde, ayaa maanta oo Talaada ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad wuxuu usoo magacaabay Wasiirka Cusub ee Maaliyadda, isagoo beddeli doona Abraham Tekeste.

Magacaabista Wasiir Shidde ayaa timid kaddib markii uu isla maanta Ra’iisul Wasaare Abiy soo dhisay xukuumad cusub oo ka kooban 20 wasiir.

Shidde oo tan iyo bishii April ee lasoo dhaafay ahaa Wasiirka Isgaarsiinta, wuxuuna horay usoo noqday Wasiirka Gaadiidka intii u dhexeysey sannadihii 2016 ilaa 2018.

Sidoo kale wuxuu horay usoo noqday  Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Ganacsiga intii u dhexeysay sannadkii 2009 ilaa 2016, isagoo dhinaca kale xilal dhowr ah kasoo qabtay deegaanka Soomaalida.

Golaha Dhexe ee Xisbiga Dumuqraadiga ee Deegaanka Soomaaliya ayaa bishii August ee lasoo dhaafay u doortay Axmad Shidde in uu noqdo guddoomiyaha xisbiga, kaddib markii uu is casilay madaxwaynihii hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cuma

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply