Wafdi ka socda dowlada Qatar oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Wafdi ka socda dowladda Qadar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka Diyaaraddaha kusoo dhaweeyay xubno ka mid ah dowladda Soomaaliya.

Markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa loo galbiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wafdiggaan ayaa ka socda Wasaaradda Difaaca dalka Qadar, waxaana ay kulamo kula duwan la leeyihiin Wasiirka Difaacda xukumada Soomaaliya Xasan Cali Amar dambe.

Waxaa Wafdiga ka mid ah Saraakiil ciidan iyo Agaasime qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Difaaca dalka Qadar iyo Taliska xoogga dalkaasi.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply