Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Golaha Murtida iyo Maddadaalada Qaranka

Hiiraan Xog, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha iyo dib-u-dayactirka xarunta Golaha Murtida iyo Maddadaalada Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in manta ay tahay maalin weyn oo lagu bilaabay hirgelinta mashruuca isxilqaan, madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in dhismaha tiyaatarka lagu soo gaba-gabeyn doono muddo 9 bilood ah.

Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu saaka dhagax dhigay xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo la qorsheynayo in muddo ka yar sanad lagu soo gabo gabeeyo dhismahiisa iyo dib-u-dayactirkiisa.

“Madaxweynuhu waxa uu balan qaaday in muddo sanad ka yar lagu soo gabo gabeyn doono dhismaha Tiyaatartaka Qaranka, waxaan rajeynaynaa in fanaaniinta ay halkaasi ku soo gudbiyaan hal abuurkooda” ayuu yiri Agaaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka.

Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in Tiyaatarka lagu dhisi doono barnaamijka uu hirgeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee isxilqaan, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lagu dhisi doono xarumaha danta guud.

Mashruuca dhismaha iyo dib-u-dayactirka tiyaatarka Qaranka ayaa noqonayaa mashruucii ugu horeeyay ee ay barnaamijka is-xilqaan lagu dhiso.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan barnaamijka is-xilqaan oo ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso dib u dhiska xarumihii dowladda iyo sidoo kale xarumihii danta guud.

 





Be the first to comment

Leave a Reply