Ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Kheyre oo dib ugu soo labtay magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib markii booqasho labo maalin ah ay ku tageen dalka Sacuudiga.

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre iyo wafdigiisa ayaa intii ay joogeen magaalada Riyaadh kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalkaasi oo ugu horeeyo boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo boqorka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay dhagax sugaha Sacuudiga Maxamed  bin Salman bin Cabdulcasiis, waxana ay ka wada hadleen arrimo quseeya danaha labada dal.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa booqasho ku tagay dalka Sacuudiga kadib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka helay madaxda dalkaasi.

Dowladda Sacuudiga ayaa saameyn ku leh arrimaha geeska Afrika iyadoo dhawaan heshiis lagu soo afjarayo  colaadii mudada dheer ka dhax jirtay dalalka Itoobiya iyo Eritrea lagu qabtay dalka Sacuudiga.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa kaalin ka qaadatay isku soo dhawaashaha dalalka Jabuuti iyo Eritrea oo in muddo ah ay ka dhax jirtay khilaaf salka ku haya dhanka xaduuda.

 

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply