Madaxweynaha Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay maalinta Calanka

Hiiraan Xog, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Hambalyo ku aadan xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Calanka u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan”ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in kor u yeelidda Calanka Soomaaliyeed lagu soo bixiyey juhdi badan, islamarkaana lagama maarmaan ay tahay sidii loo soo celin lahaa taariikhda calankeena uu ku lahaa caalamka.

“Kor yeelidda Calankeenna waxaa lagu bixiyay dhiig iyo dhaqaale, waana waajib ina saaran dhammaan inaan soo celinno sharafkii iyo karaamadii uu ku dhex lahaa fagaareyaasha caalamka” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply