Duqayn ka dhacday duleedka degmada Garbahaarreey

Hiiraan Xog, Duqayn loo malaynayo in diyaaradaha dagaalka ee Kenya gaysteen, ayaa xalay fiidkii ka dhacday duleedka degmada Garbahaarreey ee xarunta gobolka Gedo.

Duqaynta oo muddo kooban socotay, waxay ka dhacday inta u dhexaysa tuulooyinka Dhiigtaar iyo Barwaaqo oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Garbahaarreey.

Wararka hordhaca ah ee warbaahintu helayso ayaa sheegaya in bartilmaameedka duqayntii xalay uu ahaa fariisin ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan ururka Al shabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqaynta, sidoo kale ma cadda halka laga lahaa diyaaradda dagaaal ee weerarka fulisay.

Gobolka Gedo oo xuduud dheer laleh Kenya, waxaa marar badan oo hore duqaymo ka geystay Ciidamada Cirka ee Kenya.

Tobannaan rayid ah oo reer guuraa Soomaaliyeed u badnaa ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen duqaymaha Kenya, inkastoo eedaymahaas Kenya aad isaga fogaysey.

Asbuuc kahor duqayn ka dhacday deegaanka Ceelcadde ee isla gobolka Gedo, waxaa ku dhaawacmay shan qof oo dhammaantood shacab ahaa.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply