Lacag loogu deeqay Barnaamijka Is-xilqaan ee gobolka Banaadir

Hiiraan Xog, Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka dooday dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyo wadooyinka si loo soo nooleeyo bilicda dalka iyo haybadda qarannimo.

Sidoo kale golaha wasiirada Soomaaliya ayaa intii kulanka uu socday isku afgartay in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas arxan darrada ahaa, in la caawiyo dadkii ku dhaawacmay, eheledii dadkii wax ku noqday iyo dadkii ku hanti beelay.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Maxamuud Xaamud ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku hawlanyihiin bixinta qayb kamid ah hantidooda si ay uga qayb qaataan fulinta dhammaaan qorshayaasha lagu xusay Barnaamijka is-xilqaan, loogana maarmo kaalmo shisheeye.

Cabdulahi Maxamuud Xaamud ayaa xusay in gacanta lagu hayo laba milyan oo dollar oo ay bixiyeen muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna billaabayo dhismaha Madxafka oo todobaadka soo socda dhismihiisa uu dhagax dhigayo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Dawladda Soomaaliya oo dardar-gelinaysa soo kabashada dawladnimada, adkaynta midnimada iyo kor u qaadidda karaamada ummadda Soomaaliyeed ayaa barnaamijka Is-xilqaan ugu tala gashay in lagu dhiso dhammaan xarumaha danta guud iyada oo la adeegsanayo hantida, waqtiga iyo quwadda ummadda Soomaaliyeed.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply