Guriga guddoomiyaha Ururka haweenka gobolka Baay oo bam gacmeed lagu weeraray

Hiiraan Xog, Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmay weerar bam-gacmeed loo adeegsaday oo xalay fiidkii lagu qaaday guriga ay magaalada Baydhabo ka deggen tahay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay Muraayo Ibraahim Madeer.

Marwo Muraayo ayaa lagu soo warramayaa in ay weerarkan ka badbaaday, waxaana labada qof ee dhaawacmay oo xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay midkood uu yahay qof shacab ah halka midka kalena yahay askari ka tirsanaa ilaaladeeda.

Booliska Baydhabo ayaa waxyar kaddib markii uu weerarku dhacay soo gaaray goobta, waxayna baaritaan muddo kooban socday oo ay sameeyeen kusoo qabteen labo qof oo la tuhunsan yahay kuwaas oo xilligan baaris lagu wado.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya xilli uu magaalada Baydhabo ka socdo ololaha doorashada madaxwaynaha ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Murashaxiin dhowr ah oo horay u shaaciyey in ay xilka madaxwaynaha u tartami doonaan ayaa xilligan Baydhabo ku sugan, waxaana kamid ah Mukhtaar Roobow oo mar soo noqday hoggeemiye ku-xigeenka Ururka Alshabaab.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply