Golaha Wasiirrada dalka Itoobiya oo la sheegay in la dhimayo

Hiiraan Xog, Golaha Wasiirrada ee dalka Itoobiya ayaa shalay oo Arbaca ahayd meel mariyey qorshe wax looga beddelayo qaab dhismeedka hay’adda fulinta ee dalkaas.

Qorshahan oo isla shalayba loo gudbiyey Golaha Shacabka Itoobiya, waxaa qayb ka ah in la dhimo tirada xubnaha golaha wasiirrada.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee FANA oo soo xiganaysa Fitsum Arega oo ah Madaxa Shaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmad, ayaa baahisay in golaha wasiirrada oo hadda ka kooban 28 xubnood laga dhigi doono 20 xubnood oo qura.

Qorshahan waxaa sidoo kale qayb ka ah in la asaaso wasaarado cusub, kuwaas oo ka jawaabaya baahiyaha dalka ka jira iyo isbedellada siyaasadeed ee dhacayey dhowrkii bilood ee u dambeeyey.

Golaha Wasiirrada cusub ee Itoobiya ayaa la filayaa in ay kasoo dhex muuqdaan siyaasiyiin horay dowladda Itoobiya mucaarad ugu ahaa balse muxaafid isu rogay kaddib markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Ra’iisul wasaaraha da’da yar ee qowmiyadda Oromada kasoo jeeda, Abiy Axmad.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply