DAAWO SAWIRO:- Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo la kulmay Boqorka dalka Sucuudiga Carabiya

Hiiraan Xog, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada Sucuudiga kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Aala Sacuud.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

“Waxa aan maanta Qasriga boqortooyada kulan kula qaatay boqorka dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis. Waxa aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaaare Kheyre qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulamo la leh madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaaladda Riyaadh ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ra’iisulwsaaruhu ka helay dalka aan walaalaha nahay.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply