DAAWO SAWIRADA: Dayactirka Garoonka Kubadda Cagta Beledweyne oo meel gabo gabo ah maraayo.

Hiiraan Xog. Garoonka weyn ee Kubadda Cagta Magaalada Beledweyne oo kolkii la dhisay mudo ka badan 1 sano wax tartan ama ciyaaro ah aan lagu qaban sababo dayacnaa iyo dayactir la’aan ah awgeed islamarkaana geedo waa weyn iyo dhir faro badan ay ka baxeen ayaa todobaad ka hor waxaa dib u dayactir balaaran ku bilaabay Dallada Dhalinyarada Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee SOCSOYU.

Gudoomiyaha Dallada Max’ed Warsame Sandhool oo 2dii todobaad ee u dambeysay ku sugnaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay in dib loo dayactiro Garoonka oo ay baahi weyn u qabeen Bahda Dhalinyarada Isbortiga Magaalada Beledweyne.

Mr Sandhool ayaa cadeeyay in mudo uu xernaa Garoonka islamarkaana ay baxeen Dhir waa weyn haseyeeshee ay ka codsadeen Dhalinyarada Isbortiga in loo dayactiro si ay u helaan fursadihii Ciyaaraha Kubada cagta iyo Orodada waxuuna intaasi ku daray in la bilaabay howsha dayactirka Garoonka isbuucii hore bilawgiisi hadana ay meel fiican mareyso howsha.

Gudoomiye Sandhool ayaa ugu dambeytii carabka ku adkeeyay in todobaadka soo socdo la dhameystiri doono Howsha dib u dayactirka Garoonka K/Cagta iyadoo Nalal Soolar ah lagu xeri doonto isagoona balan qaaday kolkii la dhameeyo ay bilaabi doonaan tartan kubada cagta ah oo loo qaban doono ilaa 8 koox oo 4ta xaafadood ah arrintaasina ay hada socoto qaban qaabadeeda.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply