Ciidamada gobolka Hiiraan oo Al-Shabaab kala wareegay degaano hostaga degmada Jalalaqsi

Hiiraan Xog

Hiiraan Xog, Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay horay ugu sugnaayeen mileeshiyaad ka tirsan Ururka Al shabaab.

Ibraahim Madoobe Nuur oo ah guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, ayaa warbaahinta u sheegay , in Ciidamada Xoogga Dalku la wareegeen tuulooyinka Dibileey, Faaxaale iyo Buurweyn oo dhammaantood hoos taga Jalalaqsi.

Madoobe ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada dowladdu si nabad ah ku qabsadeen tuulooyinkaas, maadaama dagaalyahannada Al shabaab ay isaga sii baxeen markii ay ka war heleen duullaanka ciidamada dowladda.

“Waxay ciidamadu si nabadgalyo ah ula wareegeen deegaano ay nabad-diidka Al shabaab ku dhibaateyn jireen Shacabka oo ay ka mid yihiin Buurweyn, Jibileey, iyo Faaxaale” ayuu yiri isagoo sii raaciyey “Hawlgalkan waxaa door weyn ka qaatay dadka deegaanka gaar ahaan dhallinyaro is abaabushay oo ka qayb qaadanaya dagaalka lagula jiro Al shabaab”

Maamlo kahor ayey ahayd makii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmad Hagar uu iclaamiyey in la bilaabi doono hawlgal ciidan oo Al shabaab looga sifaynayo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply