DAAWO SAWIRO:- Wasiirka waxbarashada XFS oo hogaanka dalladaha waxbarashada kala hadlay Hirgelinta manhajka cusub

Hiiraan Xog, Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay hogaanka dalladaha waxbarashada dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay, hirgelinta manhajka cusub ee ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka, xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa wasaaradda iyo dalladaha waxbarashada.

Agaasimaha guud  wasaaradda waxbarashada   Mudane Xassan Maxamed Cali,  iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Mudane Axmed  Yuusuf Xassan, ayaa kulanka goob joog ka ahaa.

Xubnaha ka socday dalladaha waxbarashada dalka ayaa bogaadiyay dadaalka wasaaradda waxbarashada ugu jirto sidii loo horumarin lahaa waxbarashada.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in  hogaanka dalladaha ay ka wada hadleen sidii manhajka cusub ee wasaaradda soo diyaarisay loo gaarsiin lahaa iskuullada dalka,

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay, hogaanka dalladaha waxbarashada dalka , arrimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah hirgelinta manhajka cusub ee wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay”ayuu yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa hogaanka dalladaha waxbarashada dalka uga mahad celiyay, sidii ay ugu soo dhabar adeygeen horumarinta waxbarashada dalka intii lagu guda jiray burburka.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa malmaha soo socda qorsheyneysa inay la soo wareegto 25 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir kuwaasoo si lacag la’aan ah ay wax uga baran doonaan caruurta Soomaaliyeed.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply