Degmada Waabari oo ku guulesatay Koobki degmooyinka gobolka Banaadir

Hiiraan Xog, Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay cayaarihii degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii ay 1-0 ku garaaceen dhigooda degmada Shibis.

Cayaartan oo la dheeley xilli habeenimo ah sanadkii labaad 27 sano kadib ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan kun oo taageerayaal ah waxaana buuxsamay garoonka Koonis oo lagu qiyaaso in uu qaado in ka badan Soddon Kun oo taageerayaal ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay daawashada ciyaartan.

Cayaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay ka qayb galeen 17 ka degmo ee gobolkan ka kooban yahay ayaa waxaa Finalkiisa isugu yimid degmooyinka Shibis iyo waaberi iyada oo ay si qurux badan ugu guuleysatay degmada Waaberi oo la dhihi karayo waa u qalantay in ay qaadaan koobkaan.

Kulankan ayaa qaybtiisa hore waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hoggaamineysey degmada Waaberi oo sidoo kale qabatay, iyada oo ugu dambeyn ay ku soo idlaatay 1-0 oo ay ku badisay Waaberi.

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa koobka gudoonsiiyay degmada Waaberi oo koobka ku guuleysatay, waxaana caawa Waaberi ka dhacay dabaaldegyo waa weyn oo farxada koobka loogu tala galay.

Banaanka kore ee garoonka waxaa la sheegay inay ka dhacday isbuurasho, kadib markii ay rasaas rideen ciidanka dowladda, waxaana la sheegay inay dhaawacmeen ilaa Saddex qof oo midi ay haweeney tahay.





Be the first to comment

Leave a Reply