DAAWO VIDEO:- SOCSOYU oo shahado gudoonsiisay Cabdullahi Axmed Maalin Sufuroow

Hiiraan Xog, Guddoomiyaha dalladda dhalinyarada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee (SOCSOYU) Maxamed Warsame Sandhool ayaa shahaado sharaf guddoonsiyay Cabdulahi Axmed Maalin ka hor inta xilka laga qaadi.

Maxamed Warsame Sandhool ayaa sheegay in ka dalladan ahaan ay go’aansadeen inay shahaaddan gudoonsiyay Cabdulahi Axmed Maalin isagoo ku amaanay doorkii uu ka qaatay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne bilihii Abril iyo May.

Cabdulahi Axmed Maalin ayaa sheegay in shahaado sharaftan ay guddoonsiyeen dallada dhalinyaradda Koonfurta iyo bartamaha ay tahay tii ugu horeysay ee lagu dhiri gelinayo isagoo u mahad celiyay guddoomiyaha dallada SOCSOYU Maxamed Warsame Sandhool.

Guddoomiyaha dalladda dhalinyaradda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Maxamed Warsame Sandhool ayaa dhawaan magaalada Baladweyne ku qabtay aqoonsi weydarsi ku saabsan dhismaha nabadda iyadoo ay ka qeyb galeen xubno kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maxamed Warsame Sandhool ayaa ballan qaaday in dalladda dhalinyaradda Koonfurta iyo bartamaha ay howlo badan oo lagu horumarinayo dhalinyaradda ku qaban doonto magaalada Baladweyne, kuwaasoo ay ka mid tahay tartan isboorti oo ku saabsan isdhax galka bulshada.

HALKAAN KA DAAWO,

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply