Xildhibaanada maamulka Galmudug oo xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Hiiraan Xog, Kulan maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa xilka  looga qaaday Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.

Xildhibaano gaaraya 97 ayaa maalin kahor waxa ay mooshin ka dhan ah u gudbiyeen ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug oo xildhibaano ku shiray maalmo kahor Cadaado ay sheegeen inay isagaba xilka ka qaadeen.

Xildhibaanada Galmudug ayaa Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa ay ku eedeeyeen inuu meel kaga dhacay dastuurka Galmudug, ku tumashada xeer hoosaadka iyo inuu gabay waajibaadkiisa shaqo.

Xareed Cali Xareed oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen ilaa 140 mudane ayna u codeeyeen xilka qaadista Madaxweyne ku xigeenka Galmudug islamarkaana aanay jirin cid ka aamustay.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Galmudug kadib markii ay laba u kala qeybsameen madaxda maamulkaasi, wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shalayku baaqday in arrintan si qoto dheer looga wada hadlo.

Hadda Xildhibaanada ayaa xilka ka qaaday dhammaan Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug sidda Madaxweynaha, ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa Koowaad.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply