DAAWO SAWIRO:- Duqa magaalada Beledweyne oo amaanay dhalinyarada qabatay tartankaan Sports

Hiiraan Xog, Dhaliyaro is xil qaantay ayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku qabatay tartan Sportis oo aay ka qeyb galayaan sided koox oo ka dhisan xafadaha magaalada Beledweyne.

Dhalinyaradaan is xilqaantay ayaa ka dhiinisay sidii ay dadaal dheer ugu gali lahaayen soo celinta hormarkii Sportigi ee ka jiray gobolka Hiiraan,waxaana si iskood ah iku abaabulay dhalinyoro dayar ah oo ku nool magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kooxaha VIP VS Laabka ayaa wada ciyaaray kamadabeysta koobka is dhaxgalka dhalinyarada degmada Beledweyne,waxaana ku guulestay kooxdi mataleysay xaafada Laabka,

Xaflad lagu gudoonsinayay koobka ayaa galabta lagu qabtay Hotelka Darusalam ee magaalada Beledweyne,waxaana ka soo qebgalay Duqa magaalada Beledweyne Cali Xasan (Sandheere) oo koobka gudiinsiyay kooxdii ku guulestay koobka.

Ugu dabeeyn Dhalinyarada degmada Beledweyne ayaa dhaliil u diray Wasiirka Sportska ee maamulka Hirshabeelle iyo maamulka Olobikada gobolka Hiiraan oo la sheegay in aay ka gaabiyeen howlahoodi shaqo.

 





Be the first to comment

Leave a Reply