Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay hal arin oo muhiim ah

Hiiraan Xog, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo qaar ka mid ah xarumaha degmooyinka kula kulmay hormuudka xoogagga waddaniyiinta ah ee laga hirgeliyey Gobolka Banaadir ayaa sheegay in bulshada Gobolku ay dhexda u xirteen difaaca iyo dib-u-dhiska.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay xoojinta dhaq dhaqaaqa ku saleysan isxilqaannimada iyo wax-wada-dhiska.

“Is-xilqaamayaashu gacan waxa ay ka qeyb qaadanayaan howlaha bilicda, faya-dhowrka iyo dib-u-dhiska waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah, gacanta kalena waxa ay ku difaacayaan dalkooda, iyagoo ka hortagaya qorshe kasta oo Shabaab ay u maleegayaan shacabka.”

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa tilmaamay in la joogteyn doono kormeerrada iyo la socodka arrimaha xoogagga Wadaniyiinta ah ee Is-xilqaan, maadama ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dib u dhiska iyo difaaca dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, degmooyinka uu kormeerka kadiska ah ku tagay ayaa kala ahaa Xamarweyne, Xamarjajab, Waaberi, Hodan, Howlwadaag iyo Wartanabadda, kuwaas oo dhammaantood ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah mutadawiciinta qeybta ka ah olalaha Is-xilqaan.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply