Ciidamo gaar ah oo la sheegay in ay sugayaan Amniga magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay diyaarin doonaan ciidamo gaar ah oo sugga Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in  la adkeeyo Ammaanka Dekedda Muqdisho, islamarkaana wax ka badel lagu sameyn doona Ammaanka Dekedda Muqdisho.

Taliye Bashiir ayaa sidoo kale xusay in la kordhin doono Ciidamada ka howlgalla Dekedda Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Dekedda Muqdisho ay shaqeyso xilli habeen ah ka dib markii dhawaan uu Madaxweyne Farmaajo Amray in si deg deg ah dekedda Habeenkii looga shaqeysiiyo.

Raiisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed ayaa furay in Dekedda Muqdisho ay shaqeyneyso xilli habeen ah muddo ka badan 20-sano kadib.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply