AKHRISO:- Dowlada Itoobiya oo magacaawday Gudoomiye Cusub ee ka soo jeeda D.D.S

Hiiraan Xog, Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Shidde oo ah Wasiirka Isgaarsinta ee Itoobiya.

Axmed Shidde ayaa lagu doortay kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa, wuxuuna xilka ka bedelayaa Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaasi hore u hayey.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa waxa ay aaminsan yihiin in magacaabistan ay soo afjareyso saameynta uu ku leeyahay siyaasada dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cuma.

Waxaa xaalad deganaansho ah laga dareemayaa magaalooyinka waa weyn ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan magaalada Jigjiga, maadaama la xaliyay waxyaabihii sababay khalalaasaha ee todobaadkii tagay ka taagnaa.





Be the first to comment

Leave a Reply