Fahfaahin dheraad ah oo ka soo baxeysa Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, July 21, 2018:- Gaari nooca raaxadda ah oo maraayay degmada Boondheere, gaar ahaan Agagaarka Wasaaraddii hore Amniga ayaa saaka Qarxay xilli ay saarnaayeen 3 ruux.

Gaariga Qarxay ayaa noociiso ahaa Viller, waxaana saarnaa wiil iyo Gabadh walaalo ah iyo Hooyadood.

Sidda ay Warbaahinta u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonkaro wiilkii oo waday gaariga ayaa dhintay, Maadaama kursiga uu ku fadhiyay lagu xiray Qaraxa.

Sidoo kale Waxaa dhaawacmay Hooyadiis iyo Gabadha la dhalatay oo loola cararay goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray gabadh da’yar oo ku sugneyd meesha uu gaarigu uu ku Qarxay.

Gaariga ayaa u socday Garoonka Aadan Cadde, waxaana la sheegay in uu wiilka uu waday Hooyadiis dhawaan ka timid Hargeysa, islamarkaana howllo Caafimaad loo Keenay magaalada Muqdisho, waxaana Saaka ay u socotay magaalada Hargeysa.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply